Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb

  Tuesday January 16, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Gal-guduud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, xubnaha labada golle ee Gal-mudug iyo dadweyne fara badan oo haween iyo carruur u badan.

Madaxweynaha oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa wafdiggiisa ka mid ahaa Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada golle ee dowladda federaalka, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay shacabka Dhuusa-Mareeb in ay yihiin kuwo jecel nabada iyo hormarka, isaga oo balan qaaday in dowladda federaalka ay si dhaw ula shaqeyn doonto.

Magaalada Dhuusa-Mareeb oo si aad ah loo diyaariyay ayaa madaxweynaha lagu soo dhaweeyay, waxaana wadooyinka qaarkood iyo madaxtooyada cusub ee Galmudug-ba lagu dhajiyay calanka Soomaaliya.

Sida uu qorshaha yahay maalinta berri ah magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ka dhacaya shir weyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Ammaanka magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, ciidamada ayaa sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda dowlad goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS