Dhageyso:-Faah Faahin ka soo baxeysa qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay M/Muqdisho

  Sunday January 14, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Faah Faahin ka soo baxeysa qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay M/Muqdisho

barqanimadii Maanta ayey aheyd Markii Gaari Cabdi Bila ah oo ay wareen Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya qarax lagula eegtay inta u dhaxeysa EX Kontarool Afgooye,iyo Haanta dheer ee Magaalada Muqdisho qaraxas oo sida la sheegay geystya khasaaro kala duwan.

Mid ka mid ah Dadka Degaanka oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in in Afar qof ay ku dhinteen Qaraxa oo labo ka mid ah ay Shacab ahayeen,iyadoo la tilmaamay in tiro inta ka badan ay ku dhawacmeen,kuwaas oo lala geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxa uu sheegay Goob Joogaha in qaraxa lala beegsaday Gaari Cabdi Bila ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,islamarkaana waxa uu Goob Joogaha hoosta ka xariiqay in Miinada Gaariga la qaraxda ay ku Aasneed wadada dhinaceeda.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS