DHAGEEYSO:-XILDHIBAAN IDIRIS CABDI TAKHTAR OO KA HADLAY RAASHIINKA IYO DAWOOYINKA LA KEENO DALKA, IYO WAXTARKA DALAGGA KA SOO GO’A DALKA.

  Sunday January 14, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
XILDHIBAAN IDIRIS CABDI TAKHTAR OO KA HADLAY RAASHIINKA IYO DAWOOYINKA LA KEENO DALKA, IYO WAXTARKA DALAGGA KA SOO GO’A DALKA.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir Jaraa’iid uu Xafiiskiisa ku qabtay waxaa uu kaga hadlay raashiinka dhacay ee la keenayo Dalka in ay sabab u yihiin Cudaurada Sanidihii u danbeeyay ku soo badanayay Dalka Raashiinka aan la koontoroolin ee lagu soo shubayo Suuqyada.

idoo kale waxaa uu xildhibaanku sheegay in Dawooyinka la keeno Dalka ay yihiin kuwo aan tayo lahayn oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ee keena dawada ay kula galaan heshiis Shirkadaha sameeyo Dawada kuwaasoo ku soo qora dawooyinka garaam aan jirin oo ka hooseeya tayada looga baahanyahay daawada waxtarka u leh cudarada oo lagu dawaynayo.

Xildhibaanka waxaa kaloo uu ka hadlay dadka inta badan isticmaala Raashinka dibadaha laga keeno in ay yihiin kuwa inat badan ay ku dhacaan Cudarada uurku jirta kuwaasoo ay ka mid yihiin Gaaska oo ah kan uga badan ee asiiba mushtamaca Soomaaliyeed sidoo kale caloosha u fadhiisato ayuu sheegay Xildhibaanka in ay sabab u tahay Raashinka dibadda oo intooda badan ah kuwa dhacay, taasna waxay keentay ayuu uiri Xildhibaanka in ay dalka ku bataan cudurka loo yaqaano kaadi macaanka oo asal ahaan ka yimaada dheef shiidka oo gaba shaqadiisa.

Waxaa uu soo jeediyay Xildhibaanka in kla badsado isticmaalka Miraha ka soo go’a Dalka taasoo uu sheegay Xildhibaanka in uu ka wanaagsan yahay Cunooyinka iyo Cabitaanada Dalka Gudihiisa ka baxa isagoo ku dhiiri galiyay in taa badalkeeda badsadaan nacfiga Dalka Gudihiisa ka soo baxa oo uu sheegay in uu waxtar iyo dheefba dheeryahay kuwa dibadaha laga soo waarido.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS