Daawo Muqaalka Madaxweyne Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo

  Saturday January 13, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galkacyo,iyadoo mas’uuliyiin iyo boqolaal kamid ah shacabka magaaladaasi ay soo dhaweeyeen madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo maanta ka soo amba baxay Boosaaso ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galkacyo,iyadoo mas’uuliyiin iyo boqolaal kamid ah shacabka magaaladaasi ay soo dhaweeyeen madaxweyne Farmaajo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana lafilaya wafdiga madaxweyanaha in uu la kulmo madaxda Galmudug iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo uga bilaabanaysaa booqasho uu ku marayo deegaano ka tirsan Galmudug,ka sokow Gaalkacy waxaa lafilaya in madaxweynuhu uu tago magaalada Cadaado iyo deegaano kale.

Maalmihii la soo dhaafay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya wuxuu socdaal ku kala bixinayay deegaanada Puntland,booqashadaasi oo uu maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyey.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS