Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo kulamo kula qaatay Baraawe odoyaasha dhaqanka

  Wednesday April 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa laga dareemaya horumar dhinacyada bulshada ah, kaddib markii dadaallo lagu xoojinayo ammaanka ay sameeyeen ciidamada oo gacan ka helaya qaybaha bulshada degmadaasi, ayadoo halkaasi ay gaareen markii ugu horaysay mas’uulyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamad Cali Cumar Jubba oo ku sugan Degmada Baraawe ayaa ku waramaya horumarka ay ku talaabsatay degmadaasi iyo kulamo guddoomiyaha Gobolka iyo Ku-xigeenadiisa ay la yeesheen Maamulka iyo qaybaha oo ay ka dhagaysteen Warxino la xariira xaaladda Degmada iyo nolosha ay ku noolyihiin Dadka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa kulanka uu la qaatay qeybaha bulshada waxa uu ku booriyay inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ayaa ku soo waramay in wafdiga guddoomiyaha gobolka ay kormeer ku tegeen isbitaalka magaalada, taasi oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladaha amni iyo mid bulsho ee ka jirta degmada Baraawe.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS