Kulan lagu soo dhaweynayo guddoomiyaha cusub ee Hiiran oo buulo burda lagu qabtay

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maamulka degmada Buuo burde ayaa qabtay kulan lagu taageerayay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar, iyadoo kulanka ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka degmada Buulo Burde ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka iyo haweenka degmada, kuwaasi oo si wada jir ah u soo dhaweeyay magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan iyo in magaalada Buulo Burde ay caasimad u noqoto dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Buulo Burde Cabdicasiis Duurow Cabdi ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in degmada buulo burde ay caasimad u noqo maamulka cusub ee loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isagoo shacabka ka codsaday in ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Hiiraan, ayna soo dhaweynayaan magacaabistiisa.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS