Pentagon: 12 al-Shabab ah ayaa lagu diley Soomaaliya

  Wednesday April 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka ee Pentagon ayaa afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo,Capt. Jeff Davis, ayaa sheegay in ciidanka militiriga Mareykanka ay dileen 12 ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab kadib markii ay howlgal gaadmo ah ka fuliyeen deegaanka Cabdale Biroole oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in howlgalka maleeshiyaadkan lagu diley oo dhacay maalmihii Isniinta iyo Tallaadada, isla markaana u jeedada goobtaas oo beegsaday ay aheyd meel maleeshiyaadka ay ku maleegayeen weeraro ka dhanka ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya.
Howlgalka lagu laayay maleeshiyaadkan oo ay fuliyeen ciidanka Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa gacan ka geystay ciidanka kumandooska Soomaaliya kaas oo ka dhacay meel dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Kismaayo.
Weerarkan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa weeraro silsilado isku xig xigay oo ciidanka Mareykanka iyo kuwo Soomaaliya ay la beegsanayeen fadhiisamada gudaha Soomaaliya ay ku leeyihiin horjoogiyaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS