Xuska Maalinta ciidanka xoogga dalka oo ka socoto Mqudisho iyo Gobolada dalka

  Tuesday April 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April ayaa maanta ka socotomagaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo xafladahaasi ay yihiin kuwa lagu weynaynayo aas aaska ciidanka xoogga dalka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo saaka ay xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay dhoolatus Militari iyo gaada ka cayaar ku soo bandhigaan xuska aas aaska ciidamada xoogga dalka ee ka soo wareegatay 56-guuradii.

Xafladda ayaa lagu qabanayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah kuwa maamul goboleedyada ay ka qeyb geli doonaan, sidoo kale Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo marti sharaf kale ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan.

12-ka April ee sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS