Daawo Sawirada:- Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska oo Qalab Cumputero kala duwan ka Gudoomey Hayadda SSG

  Monday April 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

MUQDISHO:- Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Eng. Saalax Shiikh Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaraddiisa oo inta badan dhismaheeda la soo gebagebeeyey ayaa qalab ka gudoomey Hayadda SSG (Strengthening Somali Governance) oo inta bdan caawisa Dowladda Federaalka Soomaaliya kan shaqaysa Dowlad wanaagga.

Qalabka maanta Wasaaradda Howlaha guud gudoontey ayaa isugu jirey Compiyuutaro waa weyn (Desk Top), kuwo yar-yar ah Lap top, Qalabka Daabacadda (Printers), Photo Copiyo iyo Camerooyin ayaa hayada SSG ugu talagashey in lagu dhaqaajiyo Howlaha Wasaaradda .

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Sarkaal ka socdey haydda SSG oo bixisy qalabka la gudoonsiiyey Wasaarada howlaha guud, waxa uu sheegey iney qalabkan ugu tal galeen in lagu hore mariyo howlaha baaxada weyn leh ee ay Wasaaraddu u hayso ummadda Soomaliyeed, waxa uuna wasiirka howlaha guud ku amaanay sida ay ugu go’an tahay hour marinta Wasaaraddiisa.

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Eng. Saalax Shiikh Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyey madaxda Hayadda SSG, waxa uuna hoosta ka xariiqay in qalabka loo keenay Wasaaraddiisa uu ku soo beegmay xili ay Wasaaradu baahi weyn u qabto qalab noocan oo kale ah.

“Inta badan Shaqadii dib u dhiska Wasaaradda waa la soo Gebagebeeyey, waxaana aan u Mahadcelinayaa intii ka qayb qaadatay Dayactirka Wasaarada, waxaana aan rajaynayaa in maalmaha soo socda uu Wasaarada Madaxwanuhu furi doono” sidaa waxaa yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib dhiska.

Ugu dambaybtii wasiirka iyo Madaxdii ka socotay Hayadda SSG ayaa soo kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee ay Wasaaradu ka kooban tahay, sidoo kale Shaqaalaha Wasaaradda ayaa Howla Nadaafadeed ka wadey Xarunta Wasaaradda kuwaa oo ku faraxsanaa in ay halkaa soo degeen maalmaha soo socda.

Dhinaca kale waxa uu Wasiirku ka warbixiyey safar uu dhowaan ku tegey dalka talyaaniga waxa uuna sheegey iney Talyaanigu Soomaaliya ka hirgelin doonaan Mashaariic fara badan waxa uuna ku nuux nuuxsaday in mashaariicdaasi uu ugu horeeyo dhismaha Garoon lagu ciyaaro Kubadda cagta oo casri ah. Kaasoo ka mid noqon doona mid ka mid ah garoomada ugu waa weyn Dunida ee lagu ciyaaro Kubadda Cagta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mailamiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mailaminkhaasaaro@yahoo.co.uk.

1213141098711345621

Wariye A/qaadir jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS