Shacabka reer Jabuuti oo saaka u dareeray goobaha cod bixinta

  Friday April 08, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  


Dalka Jabuuti guud ahaan maanta waxaa ka billoowday doorashada madaxtinimada iyadoo dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod bixinta.

Lix musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha haya talada dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u tartamaya madaxtinimada dalkaasi, waxaana doorashadaasi dusha ka eegaya korjoogto ka socota caalamka.

Ammaanka guud ee dalkaasi ayaa si weyn lo adkeeyay, iyadoo ciidamo farabadan lagu arkayo waddooyinka iyo goobaha cod bixintu ka socoto.

Ololihi doorashada ayaa soo xirmay saqdii dhexe ee xalay, sida uu qabo sharciga doorashada dalkaasi.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS