Beledweyn: goobihii ganacsi oo ku xirmay dagaalkii oo saaka dib loo furayo

  Friday December 25, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wararka aynu ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka lagu wado in dib loo furo goobihii ganacsi ee ku yiiley xaafadda howl wadaag ee magaalada Beledweyne halkaas oo dhowaan ay ku dagaalameen labo beelood taas oo sababtay in ay dhaq dhaqaaqa xaafadaasi kuu joogsado.

Odaaysha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka oo dhowaan ku guuleystay in ay maleeshiyaadka labada dhinac ka saaraan xaafada ayaa maanta waxaa la fileynaa in dhamaan goobihii ganacsi ee xaafadda dib loo bilaabo.

Gobjooge Beledweyn ku sugan ayaa soo sheegaya in saaka mas’uuliyiin kala duwan ay halkaas tagaan isla markaana si rasmi ah ugu dhawaaqaan in ay xaafadda ay tahay mid sidii dagaalka ka hor ay aheyd ku soo laabatay dadweynaha xaafada howlwadaagna ay howshooda wixii hadda ka dambeeya ay sii wadan karaan.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS