Xaalada deegaanka Ceel-Cadde oo saaka degan iyo diyaaradaha Kenya oo baadigoobayo askar la la’yahay

  Saturday January 16, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Janaayo 16 (Jowhar)— Xaalada deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo ayaa saaka ah mid degan, kadib markii shalay Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ee Kenya ku qaaday halkaas.

Waxaa deegaanka ka barakacay dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaalo ka dhacaan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa dul heehaabaya deegaanka Ceel-Cadde iyo deegaano kale, waxaana baadigoob ugu jiraan askar la la’yahay, kuwaasoo ku firxaday dagaalkii shalay.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo Maxamed Isaaq Xuseen ayaa xaqiijiyay in la la’yahay askar ka tirsan ciidanka Kenya, balse ma aanu sheegin tirada rasmiga ah.

Hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaarado isugu jira Helicoptero iyo kuwa miigga loo yaqaano ay dul heehaabayeen deegaanka Ceel-Cadde iyo deegaano ku dhow dhow Garbahaarey.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay in tiro askar ah looga dilay weerarkaas, isagoo cadeeyay in aanu weerarkaas cabsi gelin doonin.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho tirada rasmiga ah ee Ciidamada Kenya uga dhimatay weerarkaas, waxaase ay cadeysay in wali uu socdo howl galka.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS