Xukuumadda oo lagu amaanay Kaalinteedii xallinta dagaalkii Gaalkacyo

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay dowrkii ay ka qaadatay xallinta dagaalkii magaallada Gaalkacyo ku dhex maray Puntland iyo Galmudug.

Kulan casho ah oo xalay magaallada Muqdisho lagu qabtay oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Dhexe, Madaxweyneyaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur-Galbeed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale, ayaa lagu amaanay kaalintii ay qaateen wafdigii xukuumadda ka socday ee Gaalkacyo u tagay joojinta dagaal ay dad rayid ah ku dhinteen oo u dhaxeeyay labada maamul.

Dhammaan madaxda iyo martidii ka qeyb gashay kulankaan ayaa xukuumadda u hambalyeeyay, R/wasaaraha oo ka hadlay kulankanuu sheegay in Soomaalidu ay dhaqan iyo taariikhba u leedahay inay wada-hadal ku xalliyaan khilaafka soo kala dhex gala, isagoo wasiiradii iyo masuuliyiintii kale ee kala qeyb galay nabadeynta u mahad celiyay.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS