Ra’iisul wasaaraha oo dalbaday in loo gurmado dadka baarta halakeysay

  Monday March 21, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa codsi u jeediyay beesha caalamka in ay gurmad u fidhiyaan dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen isagoo sheegay in xukuumadiisu qorsheynayso sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan.

Mudane Cumar C/rashiid Ra’iisulwasaaraha dalka ayaa sheegay in gudigii dhowaan golaha wasiirada ay soo saareen oo loogu talagalay in uu wax ka qabto dhibaatada abaaraha ee deegaanada maamulada Soomaaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee koofurta Soomaaliya la dardargelin doono howshooda.

”Waxaan u sameynay appeal wax la dhaho (codsi) in si deg deg ah gargaar loo soo gaarsiiyo ummadda Soomaaliyeed ilaa iyo hadda lix ruux ayaa dhimatay ilaahay ha u naxariisto waxaan rajaynaynaa in mar dambe qof Soomaaliyeed uusan gaajo nooga dhiman, dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa si toos ah u gaarsiinay sidoo kale Qaramada midoobay waan u gudbinay in laga soo jawaabo ayaa rajaynaynaa,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Deegaano badan oo kamid ah gobolada dalka gaar ahaan gobolada waqooyi ee Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha sida aadka ah ay u saameysay abaarta iyo biyo la’aanta bahsan.

Maalintii shalay wasaaradda Owqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu baaqday in ay sameeyaan isu soo bax roob doon ah si abaarta jirta looga gudbo isla markaana ilaahay loo towbad keeno.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS