Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun.

Ra’iisulwsaare ku xigeenka dalka, mudane Maxamed Cumar Carte, waxaa uu tacsi u direyaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee danjire C/laahi Saciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Allaha u naxariistee, danjire C/laahi Saciid Cismaan oo ahaa danjirihii ugu horeeyay oo Soomaaliya u fadhiyi jirey magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Danjire C/laahi Saciid Cismaan, wuxuu ka soo noqday dawladii Sooomaaliya 1966 ilaa 1976-dii garyaqaankii qaranka iyo agaasimihii guud ee Wasaaradda Cadaalada, Allaha u naxariistee ka dib wuxuu noqday sanadkii 1976 Ergayga joogtada ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Geneva.

Ambassadorka ayaa sidoo kale wuxuu ahaa ergaygii Soomaaliya u fadhiyay xarunta Qaramada Midoobay ee ku u taal magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Marxuumku isaga oo matalaya Soomaaliya wuxuu u tartamay kuna guulaystay ku- xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika sanadkii 1991 -1996kii.

Danjire Cabdilaahi Siciid wuxuu ahaa khabiir dhanka Qaanuunka oo lagala tashan jiray arrimaha caddaalada iyo diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Afrikaba.

Intuu uu hayay jagada ku xigeenka Midawga Afrika wuxuu qayb wayn ka qaatay diyaarinta barnaamijka hada lagu shaqeeyo ee Xalinta Khilaafaadka AUda
Waxay shacabka Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan danjire Cabdilaahi dajinta qaanunka iyo xeel dheeridii dhinaca dublamaasiyada.

Marxuumka waxaa uu ifka kaga tagay Xaas iyo seddex carruur ah, waxaanan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Xaaskiisa Khadra Maaxmed Rodol iyo caruurtiisa Maxamed, Cumar, iyo Naasir , ehelkii, qaraabadii iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Sh.Cismaan Rabi samir iyo iimaan ha ka siiyo Marxuumkana naxariistii jano Alle ha ugu deeqo.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar