Obama oo booqasho taariikhi ku tagay magaalada Havana ee dalka Cuba (Sawirro

  Monday March 21, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Obama ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Mareykan ah oo booqasho ku taga dalka Cuba, muddo 90-sano ku dhow, isagoo kulamo la qaadan doono Hogaamiyaha Cuba Raul Castro.

Madaxweyne Obama oo ay wehliyeen Xaaskiisa, labadiisa gabdhood iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Havana Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba.

Obama ayaa markii uu ka degay diyaarada Air Force One waxaa uu si toos ah u abaaray Safaarada dib loo furay ee Mareykanka ku leeyahay Havana, halkaasoo uu kula hadlay shaqaalaha Safaaradda.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in booqashadiisan ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana isu soo dhoweyneyso dadka Mareykanka iyo Cuba.

Mareykanka iyo Cuba ayaa xiriirkooda uu aad u xumaa tan iyo sanadkii 1959, markii uu is bedel ka dhacay Cuba, xukunkana uu la wareegay Hogaamiyihii hore Fidel Castro.

Obama ayaa muddo saddex cisho ku sugnaan doona magaalada qadiimiga ah ee Havana, isagoo xoojin doona xiriirka Mareykanka iyo Cuba oo muddo 55 sano uu aad u xumaa

Arrimaha la filayo inuu kala hadlo Hogaamiyaha Cuba ayaa ka mid ah sidii is bedel loogu sameyn lahaa dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimo kale.

Aqalka Cad ayaa sheegay in booqashadan ay ka turjumayso xiriir cusub oo dhexmara labada waddan ee daqaalka qaboobaa uu ka dhaxeeyay.

obama cuba (1)obama cuba (2)obama cuba (3)obama cuba (4)


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS