Qarax ka dhacay Ankara oo sababay dhimasho iyo dhaawac

  Monday March 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

25 ruux ayaa ku geeriyootay 75 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii uu qarax ka dhacay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Saraakiisha ammaanka ee dalka Turkiga ayaa sheegay in qarax uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay goob basaska laga raaco, taasi oo sababtay inay gubtaan gawaari badan.

Bishii la soo dhaafay qarax lala eegtay kolonyo gaadiidak militeriga ee Turkiga oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa ku dhintay 28 qof, halka ay ku dhaawacmeen toboneeyo kale.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Ankara, inkasta kii bishii la soo dhaafay ay sheegteen kooxda mitidiinta ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (TAK)

1e3














NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS