Wasiirka dhallinyarada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ingiriiska “SAWIRRO

  Monday March 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabad ay soo qaban qabaiyeen Jaaliyadsa Soomaaliyeed ee ku nool cariga Ingiriiska ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyey Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo howlo shaqo u jooga dalka Britain.

Sidoo kale waxaa xafladda soo dhaweynta ah ka qayb galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu ka mid ahaayeen Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee xirirka kubadda Kollayga Soomaaliyeed Duraan Faarax, waxaana intii ay socotay munaasaabdan mas’uuliyiintani ka dhagaysteen Jaaliyadda fikrado kala duwan oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa dhallinyarada iyo cayaaraha .

Waxaa sidoo kale Wasiirada la waydiiyey su’aalo ku aadan qorshaha dawladda ee dhallinyada iyo cayaaraha, iyadoo ay mas’uuliyiintu ka jawaabeen dhamaan s’,aalihii kagayimid dhanka Jaaliyadda kulanka soo qaban qaabisay.

Munaasabadda ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqanayey bahda cayaaraha, iyadoo ay goobjoog ahayaeen cayaaryahanno horay ugu soo cayaaray Qaranka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Sayga Ruushka, Xaawo Taako iyo xubno isugu jiray ganacsato iyo tabbabarayaal ku howlan sidii ay garoomo uga hirgelin lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya .

Dhanka kale waxaa munaasabdan kasoo qayb galay qaar ka mida fanaaniinta Soomaaliyeed ee kunool dalkan Ingiriiska, iyagoo halkaasi kusoo bandhigay heeso Waddani ah oo ay ugu soo talo galeen xafladda soo dhawaynta ah, waxaana gabogabadii xafladda ay dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qayb galay si weyn ugu mahadceliyeen dhamaan xubnihii soo agaasimay munaasabadan .

GOOD 1IMG_0006IMG_0012IMG_0013IMG_0020IMG_0024IMG_0025IMG_0026IMG_0028IMG_0032IMG_0037IMG_0039IMG_0048IMG_0055IMG_0056IMG_0077IMG_0079IMG_0090IMG_0091IMG_0092IMG_0097IMG_0100IMG_0111IMG_0120IMG_0128IMG_0129IMG_0133IMG_0139IMG_0146IMG_0152IMG_0155IMG_0166


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS