Taliska ciidanka asluubta oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

  Friday February 19, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay ka qeybgalay munaasibad qeyb ka aheyd xuska sanad guuradii 46 ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil cidan iyo xubno kale, kaasi oo lagu weyneynayay xsuka 46 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, waxaana suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka goobta ku soo bandhigay kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta.

Kulanka cashada ah waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiir ku-xigenka Warfafainta iyo Wasiir ku-xigeenka amniga iyo xubno ka socday maamul goboleedyada dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay ka soo qeyb galyaasha, isagoo tilmaamay in howshan ay u dhabar adeegeen dhamaan saraakiisha iyo ciidanka Asluubta.

“Waxaan u mahadcelinayaa taliyexigeenada ciidanka Asluubta oo aan la’aantood howshaan la gaari karin, waxaan kaloo mahadcelin iyo bogaadin u jeedinayaa saraakiisha ciidanka Asluubta oo iyagu howshan u dhabar adeegay, una dhago nuglaaday fulinta awaamiirta taliyeyaashooda” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac

Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in askari ka tirsan ciidanka Asluubta lagu dalacsiiyay hal darajo iyo lacag dhan saddex boqol oo doolar, taasi oo uu ku muteystay howlkarnimo uu muujiyay, waxaana uu ciidanka kale ku booriyay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS