Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kuwait oo Geeriyooday

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

War goordhow naga soo gaaray dalka Kuwait ayaa xaqiijinaya Geerida Xubin ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka dalkaas.

Warkan oo lagu qorayWargeyska Al-Qubs ee ka soo baxa dalka kuwait ayaa sheegaya in xildhibaan Nabil Al-Fadhluu u geeriyooday xanuun muddo hayaytaas oo uu aakhirkii u geeriyooday, isagoo howshiisa shaqo ku jira.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait ayaatelefishinka Al-Carabiya u xaqiijiyay geerida xildhibaankan, iyagoo sheegay in uu Xanuun Sanaa Xildhibaanka islamarkaasna uu kahor sheegay madasha Baarlamaanka ay ku shirayeen inuu Xanuun sanyahay, isagoo jeediyay khudbad uu ku dhaliilay Siyaasiinta waddakaas qaarkood.

Xildhibaan Nabil Al-Fadhl ayaa markii uu ka dagtay Madasha uu khudbadda ka jeedinayay uu dhulka ku dhacay kaddibna ay gurmad Caafimaad u sameeyeen hay’adaha Caafimaadka dalka Kuwait.

Marka laga tago Siyaasadda Xildhibaan Nabil Al-Fadhl waxa uu ahaaWariye.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS