Tababar Khartuum loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabad Tababar loogu soo xirayay saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga oo muddo sanad ah uga socday dalka suudaan ayaa lagu qabtay Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Saraakiisha Tababarka loo soo xiray ayaa ka kala socday Dowlado badan, iyadoo munasabaddas ay ka qayb galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidana, Xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan. iyo Marti Sharaf kale.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Ibraahim Guure Maxamed oo Munaasabadda ka hadlay ayaa Dowladda Suudaan uga mahad celiyay Doorka ay ku leeyihiin Dhismaha Ciidamada Xoogga dalka.

Dhanka kale Bandhig Dhaqameed ay soo bandhigeen Dowladihii Ciidamadooda loo Tababaray oo ay ka mid ahaayeen Soomaaliya, Masar, Urdo, Jaad iyo Kuwait ayaa bandhiggaas waxaa kaalinta koowaad ka soo gashay Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa shahaado Guddoonsiiyay safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya taas oo lagu dhiirri galinayay doorka firfircoon ee saraakiisha Ciidamada Xoogga ay ku lahaayeen mudadii uu Tababarkaas usocday

Ugu dambayntii saraakiisha Ciidamada Xoogga ee Tababarka qaatay ayaa sheegay in muddadii Sanadka ahayd ay waxbadan ka faa’iideen tababarkii la siiyay.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS