Daawo Sawirada'' Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Shir kaga Qeyb galay Ciraaq

  Friday January 29, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyah Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cismaan Xaaji ayaa ka qayb galay shirka ururka Shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay magalada Baqdaad ee casimadda dalka Ciraaq.

Shirkaasi ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka haysta shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta oo ay kamid tahay isku xir la’aanta ka jirta shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, sidii wax looga qaban lahaa shaqo la’anta ka jirta Wadamada Jaamacadda Carabta iyo dejinta qorshaha horumarineed ee sanadka 2016 –ka ee shaqalaaha Wadamadaasi.

Wafdiga oo ka qeyb galay shirka golaha dhexe Shaqaalaha Jaamacada carabta ee Baqdaad Intii uu shirka socday gudoomiyaha wuxuu kulama Gaar Gaar ah la qaatay Gudoomiyayaasha Shaqaalaha Wadmada Carabta oo ay ka mid ahaayeen:

1- Gudoomiyaha Shaqaalaha ee dalka Masar oo uu Gudoomiyaha kala hadlay arrimo dhawr ah haba u badnaatee sidii 2da urur wada shaqeyn u dhex mari laheyd Sida:(Taba barada, khibradaha iyo arrimo kale oo dhawr ah, sidoo kale gudoomiyaha Shaqaalaha dalka Masar ayaa dhankiisa soo dhaweysay kulankaas.

2-Gudoomiyaha ayaa isna la kulamay Gudoomiyaha Shaqaalaha Dalka Ciraaq oo iyaga marti loo ahaa Sida aad ka ah udaneynayaan in ay wada shaqeyn balaaran dhex marto labda urur Shaqaale .
Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa Shirkaas kasoo jeediyay khudbad Taabatay meelo fara badan,soona jiidatay quluubta madaxda Shaqaalaha carbeed ee ka soo qeybgalay shirkaas.

Gaar ahaan Shaqo la’aanta ka jirto Dalkeena iyo baahida loo qabo In dhalinyarada ay helaan Fursado Shaqo isla markaana ka dalbaday Shaqaalaha Carabta in aynu walaalaha nahay in ay ka Saacidaan Hormarinta iyo Tababarka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wafdiga Isu Taga Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ugu danbeyntii Booqday Safaarada Soomaaliya Ee dalka Ciraaq iyadoo si diiran ay u Soo dhaweysay safiirada Soomaliya ufadhisa dalka Ciraaq Kadiilja Maxamed Al makhzuumi iyagoo wafdiga aad ula dhacay Shaqada Safaarada Soomaaliya u heyso Bulshada Soomaaliyeed iyo soo dhaweynta fiicaneed ee loo sameeyay wafdiga.

Gudoomiyaha oo ka warbixiyay xaalada Safaarada Soomaaliya ee dalka ciraaq ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in Safaarada soomaliya ee ciraaq ka fiicantahay safaarado badan oo ay Soomaliya ku leedahay dalal nabad ah.

Wuxuuna safiirada ugu hambalyeeyay shaqada wanaagsan ee ummada soomaaliyeed uhayso iyo sida sharta leh ee loogu soo dhaweyay dalka ciraaq "Madhici laheyn in si sharaf leh naloogu soo dhaweeyo Dalka ciraaq hadii aysan Safaarda Soomaliya dhabarka u iradn laheeyn masuuliyadaan Culus.




























































































































































































































































Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS