Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Xaaji Goobdoon – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Tuesday January 26, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa dhammaan uga tacsiyeeyay Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Bahda Saxaafadda geerida ku timid Allaha u naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah rug caddaa Saxaafadeed oo ku mudda dheer ku soo shaqeynayay warbaahinta Soomaaliyeed.

Mudane Maareeye Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Cabdi Xaaji Goobdoon in uu ahaa Macalin Saxaafadeed oo aysan iloobi doonin bahda warbaahinta Soomaaliyeed guud ahaanteeda, waxaana uu ka tacsiyeeyay geeridiisa.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS