Ciidamada Jubbaland oo isku diyaarinaya dagaal ka dhan ah Al-Shabaab (Daawo Sawirada)
Views: 3926
Sunday January 24, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay kormeer ku tagay xero ay ku jiraan ciidamo katirsan Maamulka Jubbaland, kuwaa oo dhawaan tabar ciidan loo soo xiray.
Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in ciidankiisu isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shababa ee ku sugan deegaanada uu maamulkiisu ka arimiyo, waxa uuna ciidamada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa uu xusay Madaxweynaha Jubbaland in Ciidanka Qalbaka sida ee Soomaaliya ay xiligan heestaan duruufo kala duwan, waxa uuna ciidanka u niyad qaboojiyay in ay soo dhamaan doonaan daruufaha hada jira .
Maamulka Jubbaland ayaa marar badan shaaca ka qaaday in deegaanada maamulkaasi ka taliyo ay ka saari doonaan Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in Kooxda Al-Shabaab ay maamusho gabi ahaan gobolka Jubada Dhaxe , waxa ay sidooo kale joogana deegaano kale oo katirsan Jubada Hoose iyo Gedo.






WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR
NO COMMENTS