Daawo Sawirada'' Xaalad adag oo ka taagan qeybo badan oo kamid ah Dalka Mareykanka

  Sunday January 24, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Gobolo badan oo kuyaala dhinaca bari ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka da'aya baraf aad u xoogan, kaa oo saameyn badan ku yeeshay nolosha dadka ku nool goboladaasi.

Magaalada New Yourk ayaa kamid ah goobaha ugu daran uu saameynta ku yeeshay barafkan xoogan, waxaana gabi ahaan la xiray ganacsiga iyo goobaha waxbarashada, waxaana dadka lagu amray in aysan guryahooda kasoo bixin.

Isku socodka gaadiidka iyo diyaaradaha magaalada New Yourk iyo Magaalooyin kale oo Mareykanka kuyaala ayaa hakad ku jira barafka owgiis, waxaa sidoo kale koronta la'aan ay haleeshay boqolaal kun oo qof oo kunool gobolada uu Barafku ka da'ayo.

Inta la xaqojiyay 20-qof ayaa u dhintay barafka da'aya iyo qabowga daran uu watao, waxaana laga xabsi qabaa in barafkaasi in dad kale ay u dhintaan kuwa kalana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Barafka ka da'aya Gobolada bari ee dalka Mareykanka ayaa saameyn badan ku yeeshay illaa 85 Milyan , waxaana heegan buuxa la galiyay ciidamada ilaalada qaranka kuwaa oo u gurmanaya dadka ay waxyeeladu gaarsiiso barafkaasi.































































































































































































































































































































































WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR




































































































































NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS