Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaley magaalada Baydhabo dhagax dhigay xarunta TV-ga iyo Idaacadda maamulka Koonfur galbeed.

Xafladda dhagax dhiga waxaa ku sugnaa wasiirka warfaafinta dowlad goballeedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa ugu baaqay shacabka koonfur galbeed in ay ka qeybqaataan dhismaha xarunta TV-ga iyo Idaacadda si ay u noqoto xarunta dadka hanuuniso.

“Dowladdu waa shacabka, hantida dowladda waa shacabka. Hanti kale dowladda ma lahan, maamulkii ayey heysaa, Ugaas Xasan waa uu keenaa wuu dhaggax dhigay wuu ku dedaalay wuu noo baaqay waan u nimid laakin ma dhammeestiri karo, laakin waa in shacabka Koonfur galbeed ay ka qeyb qaataan dhismaha xarunta” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, ayaa ganacsatada iyo qurba joogta ugu baaqay in ay ka qeybqaataan xarunta Afka maamulka Koonfur galbeed.

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, ayaa gacacan ka geesatay siddii maamullada dalka ay u heli lahaayeen TV-yo iyo Idaacadda ka shaqeeya meelaha ay ka howgalaan.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar