Daawo Sawirada'' Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo booqday Xeryo ciidan oo kuyaala Baydhabo

  Wednesday January 20, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus , ayaa shalay booqasho waxa uu ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wasiirka ayaana u kuur galay xaalada Ciidanka Itoobiya ee jooga Magaaladaasi.


Tedros Adhanom, ayaa intii uu Baydhabo ku sugnaa waxa uu booqsho ku tagay xeryo ay Ciidamada AMISOM gara ahaan kuwa Itoobiya ka socda ay kaga sugan yihiin Magaalada Baydhabo, halkaas oo warbixino kaga dhageestay saraakiisha hogaamineysa ciidankaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo is agrabsanaya in ay guluf colaadeed ku qaadayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalyahnadaa Al-Shababa si ay uga saaraan.

Tedros Adhanom, ayaa ka hadlay Weerarkii AL-Shabaab ku qaadeen xero ay Ciidamada Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, waxa uuna xusay Wasiirka in Ciidankooda diyaar u yihiin in ay qaadaan weerar ay ugu aargudayaan Ciidamadii Kenya ee lagu dilay Weerarkii Deegaanka Ceel Cadde.

Dowlada Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya waxaa ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxa ayna Ciidamada Itoobiya ay joogaan inta badan gobolada dalka Soomaaliya.
















































































Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS