Qaban Qaabada Xaflada Caleema Saarka Gudoonka BKGS Oo Ka Socota Baydhabo

  Monday January 18, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Baydhabo(INO)— Qaban qaabo iyo diyaar garow ayaa loogu jiraa xaflada caleema saarka Gudoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo labadiisa ku Xigeen, taasoo lagu wado in maalinta berri ah ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxa Howlka Shirarka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka socodda Qaban qaabada Caleemo saarka Gudoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka wafuud kala duwan ayaa ku qul qulaya Magaalada Baydhabo, si ay uga qeyb galaan Xaflada caleema saarka Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Diyaarado ay la socdaan Mas’uuliyiin, siyaasiyiin, qeybaha bulshada ayaa saacadaha soo socoda la la fiaya inay ka degaan Baydhabo, kuwaasoo ka qeyb galaya xaflada caleema saarka. Wararka ayaa intaa ku daraya in ammaanka Baydhabo si aad ah loo adkeeyay,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa ka qeyb geli doona munaasabada caleema saarka Gudoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Sidoo kale qaar ka mid ah maamulada dalka ayaa ka qeyb geli doona, sida Maamulka Gal-mudug, lamana filayo in Maamulada Puntland iyo Jubba inay wafuud u soo diraan xaflada caleema saarka.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS