Dhageyso Wareysi: Agoomaha iyo Darbi Jiifta Baydhabo Oo Ka Qiirodey Geerida Marxuum Bishaar

  Monday January 18, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Baydhabo(INO)- Caruur Agoomo iyo Derbi jiif ah isla markana ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo dhawaan Aqoonnahnada Degmada Baydhabo ay aruuriyeen Isla markaan la siyey Daryeel bini’aadanimo iyo Waxbarasho ayaa ka qiiradeen Geerida aqoonhyan Bishaar Manuur oo ka mid ahaa waxgaradkii u istaagey samata bixinta caruurtaas iyo weliba isagoona u deeqey Joodarooyin ay ku seexdaan Caruurtaasi.

Xisbiga Daljir - Baydhabo- Idale NEWS oNLINE

Caruurtan ayaa waxay sheegeen in hadda ay haystaan Waxbarasho iyo daryeel Wanngaagsan isla markaanaa Prof. idiris Cabdi Takhtar oo aha maskaxdii ka dambeysey Aruurinta Agoomaha iyo darbijiifta Baydhaboo uu yahay Aabahood Koowaad, iyagoona xusey in Bishaar uu ahaa Aabahood Labaad, Waxayna Alle Marxuumkaasi ugu baryeeyey inuu Geeyo Janadiisa Fardowsa.

waxgaradka Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ka qiib gadanaya Wax u qabsahdda Caruurtan ee doonaya in la dhiso mustaqbalkooda iyagoona horey aysan u helin waxbarasho iyo daryeel bini’aadanimo.

Ugu dambeyntii, Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee aduunka ayaa waxa looga baaqey in ay kaalin lixaad leh ka qaataan Gacansiinta Agoomahan iyo Derbijiifta Degmada Baydhabo ee Hadda ku jira Xero lagu daryeelo.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS