Maamulka gobolka Banaadir ayaa faray ganacsatada in boorarka ku qoran afka qalaad ay u badalaan Afka hooyo, si loo horumariyo Afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay dibad bax taageero loogu muujinayey horumarinta Barnaamijka Aada Dudgsiyada (Go to School) ayaa sheegay in ganacsatada iyo cidkasta oo boor ugu dhaganyahay goobaha ay ku shaqeystaan looga baahanyahay inay ku qoraan afka Soomaaliga ah, isla markaana aan laga ogolaan doonin kuwa ku qoran afka Qalaad.

Guddoomiyuhu waxa amar ku bixiyay in ciddii lagu arka iyada oo u dhegsanyahay boor aan afka hooyo ku qorneyn laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar