Dibad bax lagu soo dhaweynayo maalinta afka Soomaaliga oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Sunday January 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali iyo maamulka Gobolka banaadir ayaa maanta ka qeyb galay isu soo bax lagu soo dhaweynayay, isla markaana loogu diyaar garoobayo xuska maalinta afka Soomaaliga oo ku beegan 21-ka bishan, kaasi oo ka dhacay taalada Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere.

Dibad baxaan waxaa kaloo ka qeyb galay ardayda wax ka barata dugsiyada sare iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka ku yaala, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay ku soo maalinta afka hooyo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in wixii maanta dambeeya aan lagu arki Karin boorarka ku qoran afka qalaad, isla markaana ciddi lagu hela laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirka waxbarahada ee Xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay in bulshada kuwooda wax bartay looga baahanyahay in ardayda ay ku dhiiri geliyaan wadaniyadda iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay horumarinta afka Hooyo, isla markaana qofkasta ay waajib ku tahay in uu gacan ka geysto sidii kor loogu qaadi lahaa afka Hooyo.

21-ka Janaayo ee sanadkii tegay ayay ahayd marki Madaxweynaha Jamhuuiryadda Soomaaliya oo ka qeyb galay xuska maalinta Afka hooyo uu ku dhawaaqay in xafiisyada dowladda luuqad aan ahayn Soomaali aysan ku wada xiriiri Karin, si loo horumraiyo afka hooyo.

21-ka Janaayo ayaa ah markii ugu horeysay uu soo baxo wargeys ku hadla Afka Soomaliga, waxaana dowladda ay dadaal ugu jirtaa sidii loo horumarin lahaa Afka Hooyo.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS