Ardayda Jaamacadda Bay oo u fadhiisatay imtixaan sanadeedka waxbarashada – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Sunday January 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ardayda Jaamacadda Bay University ayaa maanta u fadhiistay imtixaan sanadeedka waxbarasha 2015-2016 qaybtiisii 1aaday oo ay kaga gudbayaan semesterada kale ee Jaamacadda.

Madaxa Imtixaanaadka Jaamacadda Bay Cabdiladhiif Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 300 oo arday ay maanta u fadhiisteen imtixaanka sanad waxbarasho ee Jaamacadda, waxaana uu intaa ku daray in imtixaanka ay qeyb ka yihin dhamaan ardayda dhigata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

“300 oo arday ayaa u fadhiisatay imtixaanka oo dhigata kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadda bixiso, waxaan u rajeynayaa in guul ugu soo dhamaato imtixaanka ay u fadhiisteen, isla markaana ay ilaaliyaan nidaamka Jaamacadda u degsan” ayuu yiri Cabduladhiif.

Bay university ayaa ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Baydhabo ee daboolay baahida tacliinta sare ee gobolka ka jirtay, halka markii hore ay ardayda tacliinta sare ee dalka ay u soo aadi jireen Muqdisho.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS