Daawo Sawirada'' Jaamacadaha SIU iyo Jaamacad kutaala Dalka Mareykanka oo heshiis kala saxiixday

  Saturday January 16, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Jaamacada SIU ee saldhigeedo yahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Jaamacada St Cloud Univeristy ee ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis balaaran oo tabaanya dhinacyo badan.

Heshiiska labada Jaamacadood ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah horumarinta manhajyada jaamacadeed, tababarka macalimiinta iyo in Jaamacada SIU laga furo Koorsooyin lagu baranayo afka Ingriiska oo macalimiin ka socda St cloud Univeristy ay casharo ka bixin doonaan.

Guddoomiyaha Jaamacada SIU Mohamed Ismail Dacwo ayaa sheegay in la gaaray xiligii waxbarashada Soomaaliya lagu xiri lahaa waxbarashda dunida horumartay.

“Waxaa sharaf inoo ah in heshiiskan aan maanta ku matalo Jaamacadda SIU, waxay calaamad u tahay in Jaamacadaha dalka ka jira ay xiriir wax barasho oo mira dhal ah la sameysan karno jaamacadaha dunida horumaray”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIU.

Guddoomiyaha Jaamacada SIU Mohmed Ismail dacwo oo maamulka Jaamacadda la wareegay dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa bilaabay inuu xiriiro dhinaca kobcinta waxbarashda ah la sameeyo Jaamacadaha Yurub, Mareykan iyo Aasiya.

Jaamacada SIU ayaa xiriiro dhinaca waxbarashdaha horay ula gaartay Jaamacado caan ka ah caalamka oo ay ka mid yihiin Makarere University, Kenyatta, Umudurman, Gulu, Pioneer iyo kuwa kale.

















































































































































































Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS