Abwaan Guure oo lacag gaarsiiyay caruurtii ay dhaleen Liibaan Cali Nuur iyo Hindiyo Xaaji ”SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Thursday January 14, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Kaalmo lacageed oo ay iska soo uruurriyeen suxufiyiinn iyo waalidiin ku nool dalka Ingiriiska ayaa maanta la gaarsiiyay carruurtii ay dhaleen Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur iyo Hindiyo Xaaji Maxamed..
Lacagta loogu deeqay carruurta ayaa waxaa ay gaareysaa $3000 (Saddex Kun oo Doolar),waxaana inuu gaarsiiyo loo soo wakiishay Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah Agaasimaha Radio Kulmiye ahna Afhayeenka Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed.
Munaasabaddii kaalmada lacagta ah lagu guddoonsiinayay carruurtii ay ka baxeen Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur iyo Hindiyo Xaaji Maxamed, carruurta adeerkood iyo ayeeyadii dhashay Hindiyo Xaaji Maxamed.
Dadka is xilqamay ee lacagta soo aruuriyay ayaa waxaa ka mid ah suxufiyiinta kala ahMaxamed Cali {Daacad} oo ka tirsan Royal Tv, Waxaa kale oo Gacan ka geeystay soo Aruurinta lacagtaas Cabdullaahi Xasan Maxamed{Wiish} oo ka tirsan SNTV, Maryan Seylac, Xanaan Shidane oo ka tirsan SNTV, Sidoo kale Maxamed Aadan Xirsi {Teera} Wariye Duraan Shirwac, Canab Maxamed Yare iyo Qaar ka mid ah Waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Ingiriiska.
Waxaa kale oo ka mid ahaa Maamulka Maqaayada Safaari oo ku taalla Magaalada London.
Agaasimaha Idaacada Kulmiye Abwaan Cismaan C/llaahi Guure,ayaa halkaa ka tiriyay tix Gabay ah:-
Rajadiyo Agoontaan
Aabe iyo Hooyadood
Kuwii dilay Ilaahow
Arxan malahe eedsii
Intii u asxaan fashana
Rabiyoow abaal mari
Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar
NO COMMENTS