Daawo Sawirada'' Weeraro Qaraxyo iyo kuwa Toos ah oo lagu qaaday Xarumo kuyaala Magaalada Jakarta

  Thursday January 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka ka imaanaya Magaalada Jakarta ee Caasimada Wadanka Indonesia, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen weeraro iyo qaraxyo ay geesteen kooxo hubeesan oon wali heebtoolada garan.

Qaraxyo gaaraya ilaa 6-qarax ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Jakarta, waxaana goobaha la weeraray kamid ah xarun ganacsi oo lagu magacabao Sarinah shopping mall, waxaa sidoo kale goobtaasi kuyaala Hoteelo.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay qaraxyadaasi iyo iska hor imaad dhax maray ciidamada booliiska iyo kooxo hubeesan, ciidamada ayaana wali wada howlgalo ay ku raadinayaan xubno kamid ah kuwii weerarka soo qaaday.

Qeybo kamid ah Magaalada Jakarta gaar ahaan halka weerarku ka dhacay ayaa lagu arkayaa meydad wadooyinka yaala, xaalada Caasimada dalka Indonesia ayaa ah mid kacsan , waxaana wadooyinka lasoo dhoobay ciidamo aad u badan.





































































































































Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS