Obama oo Danjire u Soo Magacaabay Soomaaliya – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Tuesday January 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Stephen Schwartz u magcaabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya sida uu shaacisay VOA oo soo xiganaysa warbixin uu faafiyay Aqbalka Cad ee Mareykanka.

Stephen Schwartz, ayaa muddo ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, isagoo ka howl galay xafiisyo qaabilsanaa dalalka ay ku jiraan Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga.

Sidoo kale Stephen Schwartz ayaa soo noqday kuxigeenka madaxa howlgalka safaaradda Mareykanka ee magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Dowladda Mareykanka ayaa horay safiir ugu soo magacowday Soomaaliya haseyeeshee wuu is-casilay danjirahaasi inta uusan ka howl galin Soomaaliya.

Dhinaca Kale, Soomaaliya ayaa danjire u magacowday Waashington, kaas oo ka howl galaya magaallada Wanshington ee caasimadda waddankaasi.

Xigasho: VOA

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS