Danjire Nicholas key oo Maanta la sagootiyay

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munasabadaan oo ahayd mid lagu sii sagootinayay Ergeygii hore Qaramada Midoobe u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya Danjire Nicholas key oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha jamhuriyadda Soomaaliya, Raisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo xubno Beesha Caalamka ka socday kuwaas oo dhamaan amaanay Xafiiska uu madaxda ka ahaa Mas’uulkan la baddalay.

Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobe u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas key oo muinasabada ka hadlay ayaa xusay intii uu joogay Soomaaliya in uu ka bartay shacabka Soomaaliyeed waxyaabo badan”dadka Soomaaliyeed runtii waa kuwa jecel Soo dhawaynta martida, waana geesiyaal” ayuu yiri Mr Nicholas key Safiirkii hore ee Qaramada midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya hadase la badalay.

Sidoo kale Danjire Nicholas key, waxa uu yiri” Dadka Soomaaliyeed waa kuwo aad arkayso iyagoo arrimha qaar isku haysta hadana marka ay banaanka u soo baxaan isla qoslaaya, dhab ahaantii waa dad dhamaantood leh rajooyin ay ka mid yihiin sidii ay dalkooda u gaarsiin lahaayeen nabad iyo kala dambayn” ayuu yiri mar kale Danjire Nicholas key

Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Danjire Nicholas key uu ahaa nin ka shaqeeyey Xiriirka Qaramada Midoobe iyo Soomaaliya isla markaan lagu xasuusan doono in uu xafiiskiisa u soo raray Soomaaliya dhawr sanadood kadib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Xasan Shiekh Maxamuud oo ugu danbaytii ka hadlay Munasaabadda Sagootinta Key ayaa uga magad celiyey Nicholas key sidii wanaagsanayd ee uu ula shaqeyey hay’addaha dowladda Soomaaliya iyo Doorkii uu ku lahaa dib u soo kabashada Soomaaliya.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS