Daawo Sawiro Qurux Badan Kana Aqriiso Danjire Jamaal oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Weyneynayay Dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH oo Lagu Qabtay Nairobi”Sawirro”

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Danjire Jamaal oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Weyneynayay Dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH oo Lagu Qabtay Nairobi”Sawirro”

Munaasabad Balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wajamacaa oo lagu weyneynayay 12 bisha Rabiicul Awal oo ah maalintii uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH ayaa maanta lagu qabtay masjidu Saxabah oo ku yaalo wadada 12-aad ee xaafada Islii.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa culumaa’udiinka Ahlu sunna kala qeyb galay xuska weyneynta dhalashada nabigeema Muxamed NNKH.

Danjire Jamaal ayaa kulan la qaatay culumaa’udiinka dhalinyarada ee Ahlu Sunna waljamaaca,iyagoo safiirka kala hadlay sidii xiriir dhaw oo wada sheqeyn oo u dhax mari lahaa safaarada iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wajamaaca.

Culumaa’udiinka dhalinyarada ah ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa safiirka u soo jeediyay in masaajid lagu daro dhismaha xarunta safaarada Soomaaliya oo hada dib u dhis lagu wado,iyadoo safiirkana uu ka aqbalay soo jeedintooda.

Culumaa’udiinka dhalinyarada ah ee Ahlu Sunna ayaa safiirka gudoonsiiyay kitaab qur’aan ah oo ku turjuman afka English-ka.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa sidoo la kulmay imaamka masjidka Saxaabah Shariif C/laahi Shariif Xasan iyo qaar ka mid ah culumaa’udiinka Ahlu Sunna.

Imaamka Masjidka Saxabah Shariif C/laahi Shariif Xasan ayaa safiirka uga mahad celiyay sida uu uga soo qeyb galay weyneyntay dhalashadii Nabigeena Muxamed NNKH.

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa xarunta masjidka ka jeediyay muxaadaroyin ku aadan muhiimada ay leedahay in la weyneynyo oo la xasuusto maalintii uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH,iyagoo kasheekeyay siiradii nabigeena NNKH.

Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa munaasabada ka sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu culumaa’udiinka Ahlu Sunna kala soo qeyb galo xuska iyo weyneynta dhalashada nabigeena Muxamed NNKH.

Danjiraha ayaa culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljaamaca ugu baaqay in ay mar kasta wanaaga ka shaqeeyaan,ummada soomaaliyeedna faraan wanaaga,xumaantana ka reebaan.

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sanadka kasta 12 bisha Rabiicul Awal oo ah maalintii uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH ku qabtay caalamka munaasabado ay ku weyneynayaan maalintaasi.

IMG_1509IMG_1510IMG_1512IMG_1519IMG_1520IMG_1522IMG_1523IMG_1526IMG_1528IMG_1529IMG_1531IMG_1533IMG_1536IMG_1540IMG_1542IMG_1543IMG_1546IMG_1548IMG_1552IMG_1553IMG_1555IMG_1560IMG_1562IMG_1563IMG_1567IMG_1570IMG_1574IMG_1575IMG_1582IMG_1583IMG_1585IMG_1586IMG_1587IMG_1588IMG_1589IMG_1590IMG_1591IMG_1592IMG_1593IMG_1594IMG_1596IMG_1603IMG_1621IMG_1622IMG_1623IMG_1624IMG_1625IMG_1626IMG_1627IMG_1629IMG_1630

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS