Daawo Sawirada '' Nin watay Toorey iyo Bambaano been ah oo lagu toogtay Magaalada Paris
Views: 3813
Friday January 08, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Ninkan ayaa la sheegay in uu gudaha u galay saldhiga ciidanka booliiska isaga oo ku qeylinayay Allahu Akbar ,waxaana ninkan lagu amray in uu istaago , hasa ahaatee markii uu ka biyo diiday ayey ciidamada booliiska toogasho ku dileen.
Booliiska Faransiiska ayaa sheegay in ninkan weerarka ku qaaday saldhiga uu magaciisu yahay Sallah Ali , waxa uuna ninkan asal ahaan kasoo jeeda dalka Maroko, waxaana baaris booliisku sameeyeen ninkan telfoonkiisa laga helay fariin ay usoo direen koox Daacish katirsan .
Dalka Faransiiska ayaa maalintii shalay waxaa laga xusayay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay weerarkii kooxo katirsan Daacish ku qaadeen xarunta Wargeyska Charlie Hebdo, oo kuyaala Paris, weerarkaas ayaana lagu dilay 12-qof ay ku jireen qaar kamid ah shaqaalaha Wargeyskaasi .






Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar
NO COMMENTS