Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdi la socda ayaa gaaray Dalka Suudaan-SAWIIRO.

  Thursday January 07, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Sudan iyo Safaarada Somaliya ay ku leedahay dalka Sudan ayaa ka qayb galay Soo dhaweynta Wasiirka.

Siihaya Safaarada Mudane ibraahim Guure Maxamed oo soo dhaweynta kadib warbaahinta Qaranka Kula hadlay Hoolka shirarka ee Garoonka khartuum ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Wasiirku uu Casuumaad Rasmiya ka helay Jaamacada Caalamiga ee afrika

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dowlada Somalia Ayaa Kulamo layeelan doono Madaxda wasaarada arimha gudaha iyo Taliska Ciidanka Dalkan Sudan.

Dhanka kale wasiirka ayaa tibaaxay in uu sidoo kale jiro kulamo uu la qaadan doono madaxda sar sare ee dowladda suudaan oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal wufuudaasina uu qeeb ka yahay dhigeeyga dalka suudaan ayuu yiri wasiir odawaa

Dowladda suudaan ayaa ah dowlada inta badan soomaaliya garab muuqda ka siisa taageero joogta ahna la garab istaagan madaxda dowladda iyo shacabka soomaaliyeed intaba wuxuuna balan qaaday sidoo kale wasiirka in uu kulamo kala duwan uu la qaadan doono jaaliyada soomaaliyeed ee dalka suudaan si aan u kala warqaadano ayuu wasiirku raaciyay

Waa markii ugu horeesay tan iyo markii loo magacaabay xilka wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka dowladda soomaaliya cabdiraxmaan odawaa uu soo gaaro Khartuum

DSC02840DSC02844DSC02846DSC02853

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS