Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

  Thursday January 07, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Dowladda Urdun ayaa u yeeratay Safiirkeedi u fadhiya Dalka Iiraan kadib rabshadii lagu gubay safaaradda sacuudiga ee dalka Iiraan, iyo fara gelinta dowladda iiraan ay ku heyso dowladaha carabta,

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibuuti ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Royter in dowlaadda Jibuuti ay u jartay xiriirikii diblomaasi Dowladda Iiraan iyada oo taageero walaalnimo u muujineysa Dowladda Sacuudiga oo safaaraddi ay ku laheyd dalka iiraan la gubay,

Dalalka baxreyn iyo Suudaan ayaa hore ugu jaray xiriirika dowaldda iiraan halka dowladaha imaaraadka iyo Kuweyd ay u yeerteen diblomaasiyiinti u joogay dalka iiraan.

Iiraan ayaa sheegtay in diblomaasiyiintii ka joogay dalka sacuudiga oo gaaraya 54 iyo carruurtoodi ay soo gaareen dalka iiraan kadib markii dowladda sacuudiga ku amartay in ay dalkooda ka baxaayn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Ayaa si adag u canbaareysay Weerarkii lagu qaday Safaarada Dowlaldda Sacuudiga ee dalka iiraan iyo qunsuliyadda ku taala magaalada Mashhad

Dowlada iiraan ayaa waday waayahaan fara gelin qaawan oo ay ku hayso dowladaha carabta gaar ahaan dalka sacuudiga oo aan saaxibada iyo walaalaha nahay.. Waxaana la filayaa maaliniamda Axadda in ururka jaamacada carabtau uu ka yeesho xaaldaas shir gaar ah, Waxaana la filayaa in dalal cusub ay xiriirka u jari doonaan Dowladda iiraan.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS