Daawo Sawirada'' Madaxweyne Barack Obama oo iska ilmeeyay xili uu shir Jaraa'id qabanaayay
Views: 3900
Wednesday January 06, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Madaxweyne Barack Obama waxa uu sheegay in talaabadaasi ay dhimeyso Hubka xad dhaafka ah ee laga isticmaalo gudaha dalkiisa waxa uuna sheegay in Hubka noocaasi ah uu kala qeybinaayo shacabka Mareykanka.
Obama ayaa hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka cad, isaga oo ku dhalleeceeyey sharci dejiyayaasha inay ku guul darreysteen inay soo saaraan sharci lagu xakameynayo hubka.
Obama ayaa tilmaamay in Dowlada Mareykanka ay tahay Dowlada ugu hormarsan adduunka balse ay hadana jiraan Hub lagu gumaado shacabka oo ay isticmaalan dadka qaar, waxa uuna dhaliishaasi dusha u saaray sharci dajiyayaasha dalkaasi.
“Shacabka ayaa ku dhamaanaya Hubka la adeegsanaayo. suuragal maaha in cudur-daar joogta ah uu taagnaado taasi raali kama noqon doono ee waan ka hortagi doonaa''
Obama oo ilmeynaaya ayaa sheegay in Dowladiisu aysan marnaba u dulqaadan doonin in Ganacsatada ka macaashta Hubka ay qalqal galiyaan amaanka shacabka.
Mr Obama ayaa indhihiisa ay ilmo ka soo daadatay, intii uu ku guda jiray shirkiisa Jaraa’id, waxaana uu muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatooyinka uu sababo hubka.
Hadalka Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa saameynta ugu badan ku yeelan doona ganacsatada ka macaasha iibinta Hubka.




Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar
NO COMMENTS