Obama: Waan xakeynayaa iibsiga hubka

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweyne Obama ayaa hoosta ka xarriiqay talaabooyin wax looga qabanayo dambiyada xagga hubka ee ka jira Maraykanka, walow ay jirto mucaaradad ku wajahan sharciga cusub ee hubka, taasoo ka imaanaysa Congresska.

Isagoo ay ag taagnaayeen qoysaskii dadkooda ku waayey iyo kuwa ay hubku dhibaateeyeen ayuu Mr. Obama sheegay in aqlabiyadda dadka Ameerikaanka ay rabaan shuruuc adag oo lagu xakameeyo hubka, kuwaasoo uu ku jiro in dib loo eego taariikhda qofka doonaya inuu hub iibsado.

Mr Obama wuxuu hoosta ka xarriiqay talaabooyinka uu doonayo inuu qaado

Laakin ururka qoryaleyda ee Mareykanka waxay sheegeen in hindiseyaasha madaxweynaha aysan ahayn kuwo baajin karay dil wadareedyadii uu liis gareeyey midkoodna.

Ku xigeenka barasaabka gobolka Texas Dan Patrick ayaa sheegay in badi dadka hubka iska leh ay ahaayeen dad mas'uul ah, in la xannibo xaqa ay u leeyihiin inay hub haystaanna ay ka hor imaanayso dastuurka Mareykanka.Waxaa Soodiyariyr Wariye jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS