Wasiirka Gaashaandhigga oo dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameysa Dharka Ciidanka”SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Tuesday January 05, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxana sidoo kale furitaanka Warshaddan goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Warshaddan oo dhismaheeda ay gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida labiska taasi oo keenaysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo marar badana cadowga ku fuliyo weeraro. Waxana Wasiirku uu sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u toli lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa. Iyadoo sanadka cusub ee 2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka X.D.S.

?????????????


?????????????


?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS