Gudoomiye Ku-xigeenka degmada Balanbal Cabdirisaaq Axmed Xalane oo xariga ka jaray isbitaalka qaybaha lagu kordhiyay ayaa waxaana uu sheegay in ay farxad wayn u tahey horumarka lagu sameeyey isbitaalka.guud ahaan Bulshada deegaanka.

Xuseen Farey oo ah Madaxa Caafimaadka degmada Balanbal oo ka hadlay munaasabdaan ayaa tilmaamay doorka ay ku leedahay Dawladda gaar again Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shamis Jaamac Yuusuf oo u hadashey qaybaha bulshada balanbal ayaa ka madcelisay Waxqabdka lagu sameeyay Isbitaalka degmada, waxaana ay sheegtay in ay qayb ka qaadan doonaan horumarka laga wado degmada.

Isku Duwaha Wasaarada Cafimaadka ee Gobolka Galgaduud Cabdixakiin Guhaad Diiriye ayaa gaba gabadii waxaa uu sheegay in Wasaarada caafimaadka ay ka go’an tahay in sanadkaan 2016 ay gaarsiiso caafimaadka guud ahaan dalka, isla markaana xarumaha cusub ee lagu soo kordhiyay loogu adeegi doono bulshada.

DSCN6344DSCN6347DSCN6356DSCN6366DSCN6373DSCN6377DSCN6379DSCN6383DSCN6390DSCN6393DSCN6395DSCN6401DSCN6405DSCN6411DSCN6416

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar