Afhayeenka Gobolka” Shacabka hala shaqeeyaano Laamaha Amniga”

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Afhayeenka maamulka gobolka banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo Waraysi siiyay Woley.com ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda si ammaankooda loo xaqiijiyo.

Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa ka dalbaday Shacabka ka dukaameysta Waddada Maka-Almukarrama inay ilaashadaan Amnigeeda wixi amni xumo u keenayana ay u soo gudbiyaan laamaha Amniga dowladda si wax looga qabto.

“Magaalada Waxa ay leedahay meelo Gawaarida la dhigto maaha in gaadiidka jidadka la dhigto dadka nuucaas ahna tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa shacabka waxaan leeyahay ha qarinina dadka raba maalin walba inay idin Dhibaateeyaan” Ayuu yiri Afhayeen Xalane.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa sheegay in waddada Maka-Almukarrama ay tahay waddo muhiim ah isla markaana u dhameystiran qalabkeeda.

“Waddada Maka Almukarrama Waa waddo muhiim ah umana rabno in Nadaafaddeeda lagu Ciyaaro shacabka waxaan u sheegayaa inay ilaaliyaan Bilicda Waddadaas, maamulka gobolka waa uu ku guulaystay Dhameystirka Bilicda Jidka Maka Almukarrama” ayuu yiri Afhayeenka Gobolka.

Todobaadkaan dhexdiisa ayay ahayd markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar loo soo adegsaday gaari lagu soo xiray walxaha qarxaay la beegsadeen Carwo laga dukaameysto oo ku taalla Waddada Makka- Almukarrama.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS