Ciidanka XDS oo Shabaab kala wareegay deegaanka Qoryaale dilayna tiro maleeshiyaad ah

  Sunday December 20, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Qoryaale oo dhaca xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo dilay Todobo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab halka Sagaal kalena ay ku dhaawaceen.

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ee Jabuuti ayaa saaka u dhaqaaqay saldhig qarsoodi ah oo maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaanka Qoryaale oo u dhaxeeya degmada Jalalaqsi iyo Ceel baraf, halkaasna waxa ay ciidamadu ku dileen Todobo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab, Sagaal kalena way ku dhaawaceen, sida ay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Sidoo kale ciidamada ayaa la xaqiijiyay iney si buuxda ula wareegeen saldhigii ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaanka Qoryaale. Waxeyna halkaasi ka wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan ammaanka deegaankaasi.

Intii uu socday howlgalkaasi ayeey ciidamadu gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay dadka ku dhibaateeyn jireen maleeshiyaadki Shabaab ee halkaasi laga ceeyriyay.

Ciidamada ayaa weli ku sii raad jooga firxadka maleeshiyaadki Shabaab ee ka cararay deegaanka Qoryaale, iyadoo la sheegay in howlgalkani ay gacan ka geeysteen dadka deegaankaasi oo u dul qaadan waayay dhibaatooyinka xad dhaafka ah oo maleeshiyaadkaasi ku hayeen.

Deegaanka Qoryaale ee lagala wareegay Shabaab ayaa dhaca xuduudda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

\Warkani Waxaa Soodiyariyey Wariye C,qaadir hassan jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS