Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

  Sunday December 20, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Walax looga shakiyay bambo ayaa laga helay musqusha (suulliga) diyaaradda Faransiiska ee “Air France” oo si degdeg ah ugu degtay magaallada Mombasa ee dalka Kenya.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 459 qof ayaa ku sii jeedday magaallada Paris ee caasimadda Faransiiska, ayadoo ka duushay dalka Mauritius, hase yeeshee waxaa loo soo weeciyay duulimaadkii Mombasa. Diyaaradda oo ah Boeing 777, oo duulimaadkeedu yahay 463 ayaa ka soo duushay Mauritius 9pm, ayadoo codsatay inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Moi oo ku yaalla Mombasa saacadduu markii ay ahayd xalay 12.37am.

Sida ay shegeen saraakiisha Kenya, Walax laga helay diyaaradda ayaa looga shakisan yahay Bambo. Charles Owino, oo ah afhayeen ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in waxyaabaha qaraxa looga shakiyay la dajiyay diyaaradda, ayadoo cidina aysan waxba ka soo gaarin.

“Walxaha la rumeysan yahay inay yihiin kuwa qarxa si nabad ah ayaa looga soo saaray diyaaradda” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adda Kenya u qaabilsan garoommada diyaaradaha oo intaa raaciyay in duulimaadyada garoonka oo muddo yar hakad galay ay si caadi ah u shaqeynayaan.

Khubaro ku taqasusay waxyaabaha qarxa ayaa baaritaan ku haya waxyaabaha laga shakiyay ee aga soo saaray diyaaradda.

Benoit Luchini, oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa yiri “ Diyaaraddu si tartiib tartiib ah ayay hoos ugu dagaysay, waxaan fahannay in wax ay qaldan yihiin….. Waxaan xirannay xerkaha kuraaska (belt), si aad ugu degno Mombasa, maxaa yeelay waxaan u malaynaynay in cillad ay haysato diyaaradda, laakin sidaa ma ahayn Waxbaa ka qaldanaa dhinaca suulliga, waxay noqon kartay bambo”.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS