Kulan su’aalo lagu weydiinayay wasiirka Dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

  Thursday December 17, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulan su’aalo lagu weydiinayay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Max’ed Cabdulaahi Xasan Nuux ayna soo qaban qaabiyeen ururka Midowga Ardayda jamacadaha oo kaashanaya hay’adda Kimoonakis ayaa manta lagu qabtay Muqdisho.

Dooddaan oo ku saabsaneed siyaasadda Dhalinyarada iyo Baahiyaha Gaarka ah ee dhalintu ay la kulmaan waxaa ka soo Qeyb galay Dhalinyaro Laga soo xulay Jamacadaha Mogdisho iyo ururo Maxalliya oo ka Hoowlgala Magalada Muqdisho.

Dr . Omar Aden Roble Gudoomiyaha Midoowga ardayda Jamacadaha oo soo qaban qaabiyay Kulanka ayaa tilmaamay kulamada noocan oo kale ah ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qaar ka mida Dhalinyarada ayaa weydiiyay Wasiirka Su’aalo la xariira Siyaasadda Dhalinyarada iyo Shirwaynaha Dhalinyada ee la filayo in uu berri ka furmo magalada Mogdisho.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa si faah faahsan oo saraaxad leh uga jawaabay dhammaan Su’alihii ay Weydiiyeen dhallinyarada, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay siyaasadda dowladda ee u wajahan horumarinta dhallinyarada.

Kulankan ayaa ku aadaya xilli wasaaradda Dhalinyarada ay waddo wadatashiyo ay la Sameynayso Dhalinyarada Gudaha iyo Kuwa Dibada, waxaana maalinta berry ah lagu balansanyahay in shirweyne Qaran oo looga hadlayo aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed kaasoo ay qeybgeli doonaan dhalinyaro ka kala timid gobollada dalka iyo dibadda.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS