Madaxweynaha iyo wafdi la socday oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan Wasiiro iyo Xildhibaanno ayaa intii ay ku sugnaayeen Beledweyne waxa ay kulamo la qaateen qeybaha bulshada, waxaana socdaalka Wafdiga Madaxweynaha ay ahayd dhameystirka heshiis dhawaan ay Beledweyne ku gaareen odoyaal dhaqameed ka soo kala jeeda labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaallamay Beledweyne.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS